Telesom
  • Hoyga
  • Ku Sabsan
  • Adeega
  • AHB
  • Hadyaddo
  • Xirfadaha
  • Xidhiidh
  • Galid
  • SOM
    • English
    • Somali
Galid
Diwaan-gali Akownkan

Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaale weynaha shirkaddaha Telesom Group.

Post by Admin, Feb 13, 2018.

Tartankan kubadda cagta waxa uu ku qabsoomay garoonka Power League ee xaafadda Jigjiga yar,  tartankani waa mid u dhaxeeyey dhalinyaradda kubada ciyaarta ee shirkaddaha Telesom group, tartankani wuxuu socdey Muddo 20 cisho ah, tartankan kubadda cagta ah waxaa kasoo qayb galay kooxo u kala ciyaarayay Magaca telesom group . 

Telesom clouds

Tartankan oo u jeedadiisu ahayd Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Group. Kooxaha tartamayay ayaa ku ciyaarayay magaca Telesom Group, waxayna kala ahaayeen Telesom, Darasalam Bank, Zaad service, TEC (Telesom Electric Company), Somgas iyo Xawaaladda Taaj.

Telesom clouds

Kooxahaas ayaa loo kala qaybiyey laba qaybood oo kala ah:

Group A

Group B

Zaad

Telesom company

Dara salaam bank

Xawaalada Taaj

Somgas

Tec ( Telesom Electric company)

Telesom clouds

Telesom clouds

Telesom clouds

Telesom clouds

Koobkan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Xarunta Arrimaha Bulshada ee Ummah Community Center ayaa Shalay lagu soo gabogabeeyey garoonka Power League ee Jigjiga yar. Tartankan waxa isku soo hadhay oo soo gaadhay Kama-danbeysta (final) labada kooxood ee kala ah ZAAD iyo TAAJ, waxaanay maalintii jimcihii ciyaartii ugu danbeysay oo koobka lagu kala qaadayay ka dhacday Garoonka Power League, ciyaartii dhexmaraysay Zaad iyo Taaj ayaa ahayd mid dadwayne badan soo jiidatey, labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar weerar iyo weerar celis ah, isla markaan xirfadooda ciyaarood ay aad u sarreysay.

Guntii iyo gebogabadii ciyaartii waxay ku soo dhamaatey in kooxda ku ciyaaraysay Magaca Zaad service ay 2-0 guushu ku raacdey, sidaasna ay ku qaadeen kooxbii loo qabtey shaqaala waynaha shirkaddaha Telesom group. Dhinaca kale waxa la bixiyey abaal marino, kuwaas oo la siiyey Ciyaaryahankii ugu ciyaarta fiicnaa intuu tartanku socday kaas oo noqday Maxamed  Cabdiraxman Maxamed oo u ciyaarayay kooxda TAAJ, waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kaas oo ah Guleed Maxamed Aden Gacalle oo u ciyaarayay kooxda ZAAD. Waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyey kooxdii ku ciyaaraysay Somgas, taas oo loo gartey inay noqotey kooxdii ugu akhlaaqda fiicnayd intuu tartanku socdey.

Haddaba waxa madashaas ka hadlay Cadirisaaq Cabdilahi Cali (Shabeel), Cabdiraxman Shire, Maxamed Cabdi Darbo, iyo Maxamed Cabdi Giirre.

Cabdirisaaq shabeel oo ku hadlayay afka Dhalinyaradii soo qaban qaabisey  ee Ummah Community Centre isla markaana qayb ka ahaa ciyaaryahanadii ka soo qaybgalay tartankan ayaa hadalkiisi waxa ka mid ahaa “ runtii tartankan waxaanu ugu talo galnay inay shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group ay isku bartaan isla markaana uu kobciyo caafimaadkooda, tartankani wuxu soo socday muddo 20 cisho ah balse maanta wuxuu ku soo gebogeboobey iney kooxda ZAAD ku guuleysato koobkii, kooxaha kalena waxaan u rajeynayaa inay sannadka danbe dedaali doonaan”

Maxamed Cabdi Darbo oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa u mahadnaqay dhamaan cidii soo qaban qaabisey tartanka loo qabtey shaqaala weynaha Telesom Group, waxaanu si gaara ugu sii mahadnaqay lixdii kooxood ee ka soo qayb galay tartanka,  waxa kale oo Mr Darbo hambalyo u diray kooxda koobka ku guuleysatey iyo kooxda gashay kaalinta labaad.

Waxa isaguna Madashaas ka Hadlay Cabdiraxmaan shire oo ah Maamulaha Adeega Zaad waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan manta kasoo qayb galo ciyaartii u danbeysay ee labada kooxood ee ZAAD Iyo TAAJ isku arkayeen, waxaan kaloon ku sii faraxsanahay in koobkii la gudoonsiinayo Kooxdii ku ciyaaraysay ZAAD ee ka mid ahayd Telesom group, Waxa kale oo aad ugu mahadnaqayaa cidii soo qabanqaabisey tartanka lagu dhiirigelinayo shaqaalaha Telesom, waa fikrad aad u fiican waana in laga sii horumariyo, kooxihii ciyaaray ee walaalaha ahaa waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo”.

Dhinaca kale waxa isaguna ka Hadlay madashaas Maxamed Cabdi Giire, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ tartankani si fiican ayuu noogu dhamaadey waxaana rajaynaa in halkaas laga sii wado tartanadda noocan oo kale ah, Anagu hadaanu nahay Dara-salaam bank waxaanu rajeynaynaa in sannadka danbe aan koobku ku guuleysano in sha ALLAAH”.

Guntii iyo Gebogabadii tartankii soo socday muddo dhan 20 maalmood wuxuu ku soo dhamaadey iney guushu raacdo Kooxdii ku ciyaareysay Adeega ZAAD.

AHB Ugu Dambeeyay

Ogeysiis Ogeysiis!
Shirkadda Telesom Dunida Markii ugu horaysay Ku Soo Kordhisay Technology cusub oo ah Sarrifka Lagacaha ee Moobil-ka (Mobile Exchange)
Shirkadda Telesom waxay Macaamiisheeda ku Dhiiri gelinaysaa Isticmaalka shilling-ka Somaliland
War Murtiyeed ay soo Saartay Shirkadda Telesom oo la xidhiidha hakinta adeegyo ka mid ah Zaad service iyo Isticmaalka adeegyada cusub ee Zaad Somaliland Shillin ee shirkaddu soo kordhisay
Telesom oo daahfurtay adeeg cusub oo dhiiri gelinaya isticmaalka shillinka Somaliland, isla markaana caddaysay inay fulinayso Go’aamadii xukuumaddu kasoo saartay xakamaynta qiima dhaca Shillinka
Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo soo kordhisay adeegyo Cusub
Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaale weynaha shirkaddaha Telesom Group.
Shirkadda Telesom oo Daah-furtay adeega casriga ah ee TELESOM CLOUD SERVICES
Ha’yadda Innovate Ventures
  • Telesom
  • Nala Soo Xidhiidh
  • Xirfaddaha
  • Xogta Ilaali
  • Shuruudaha isticmaalka
  • FAQ
  • Ku Sabsan
Copyright © 2018 Telesom. Xuquuqdan oo dhan waxaa la dhowray