Shirkadda Telesom

Shirkadda Telesom waxa la aasaasay sannadkii 2002 waxaana iska kaashaday saamilay badan oo dalka u dhashay. Shirkaddu waxay xarumo ka furatay dalka oo dhan, iyada oo bilowday adeegyo casri ah oo aan markaa dalka laga aqoon sida adeega mobile-ka gacanta ee GSM-ka iyo Landline.

Telesom muddadii ay jirtay waxay ku guulaysatay in ay noqoto shirkaddii ugu horaysay ee dalka ka hirgelisa adeegyo casri ah oo ay ku soo kordhisay adeegyadda Mobile-ka iyo Landline-ka, sida ZAAD (mobile money payment), adeega Mobile Internet-ka (3G/GPRS), Dhambaal, Ila- hadal, Ila-maqal, Mushaax, Aqoonmaal iyo adeegyo kale oo tiro badan.

Telesom waxay hormood ka noqotay isgaadhsiinta dalka iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyad casri ah iyo shaqaale u jajaban raali galinta macaamiisha, waxaanay si mug leh uga qayb qaadatay kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka, iyadoo ka qayb qaadatay shaqo abuurista dalka. Shirkadda Telesom waxay adeegyada gaadhsiisay dalka oo dhan mii iyo magaalaba waxaanay noqotay shirkadda ugu balaadhan xaga isgaadhsiinta dalka. Shirkadda Telesom waxay xidhiidh isgaadhsiineed la leedahay shirkadaha ugu waawayn xaga isgaadhsiinta ee wadama jaarka ah waxa kale oo ay la wadaagtaa adeega mushaax.

Adeegyada Aasaasiga ah

Adeegyada aasaasiga ahi waa adeegyada ugu ballaadhan ee ay shirkaddu u diyaarisay ama u fidiso bulshada kala duwan ee ay u adeegto, waana adeegyada isgaadhsiineed ee ugu casrisan dunida. Adeegyadani waxay ka kooban yihiin Afar qaybood oo kala ah.

GSM1. Adeegga GSM-ka
ZAAD2. Adeegga ZAAD
Internet3. Adeegga Internet-ka
Landline4. Adeegga LandLine-ka

Hiigsi

Si aanu u horumarino nolosha mujtamaceena, waxanu bixinaynaa adeegyo tayadoodu aad u sarreeyo oo qiimahooda la awoodi karo, tiknoolajiyadii ugu dambeysay, shabakad ballaadhan meelkastana laga heli karo iyo shaqaale hawl-kar ah.

Himilo

In aanu noqono hormoodka adeegyada Isgaadhsiinta iyo teknoolajiyad casri ah.

Hab-dhaqanka Shaqaalaha

Telesom ahaan, waxa naga go’an in aan ku dhaqano akhlaaq naga soocda shirkadaha kale. Si aan taas u gaadhno, waxanu ku taamaynaa hab-dhaqankan:

  • HUFNAAN– In aanu markastaba lahaano akhlaaqwanaag, daacadnimo, run-sheeg iyo tixgelin.
  • XIRFAD-WANAAG: In aanu yeelano shaqaale xirfad & awood waxqabad leh.
  • WADA-SHAQAYN: - In aanu ku shaqeyno isku tiirsanaan & unug keliya.
  • SHAQO-WANAAG: In aanu noqono dad ay shaqadooda iyo raaligelinta Macaamiisoodu ka go’an tahay.
  • HAL-ABUURNIMO: In aanu yeelano hal-abuurnimo, dabacsanaan & maskax furnaan.