Telesom
  • Home
  • Buy Now
    • Buy ADSL service
    • Buy MYSMS service
    • Buy Vehicle Tracking service
    • Landline Installation
    • New Simcard
  • Support form
  • About
  • Service
  • Portfolio
  • CSR
  • Promotion
  • Career
  • Contact
  • Login
  • EN
    • English
    • Somali
Log In
Register an account

Shirkadda Telesom oo Samaysay Qiima-dhimistii Ugu Weynayd Ee Soo Jiidata Dareenka Bulshadda iyo Barnaamijka Abaal-marinta Ee Aroos wacan

Post by Shirkadda Telesom oo Samaysay Qiima-dhimistii Ugu Weynayd Ee Soo Jiidata Dareenka Bulshadda iyo Barnaamijka Abaal-marinta Ee Aroos wacan, Jul 29, 2020.

HARGEYSA (TELESOM)– Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa daah-furtay adeegyadda KAAFIYE iyo AROOS WACAN, kuwaas oo noqonaya adeegyo  ay  bulshaddu si weyn baahi ugu qabeen oo lasoo bandhigay xlli ay ku habboonayd.

Munaasibad daah-furka shirkaddu kusoo bandhigtay adeegyadan, ayaa lagu qabtay xarunta shacabka Magaalada Hargeysa ee shirkadda Telesom ku leedahay halkaa.

Adeegga KAAFIYE , oo ah adeeg qiima-dhimistii ugu balaadhan lagu sameeyey, waa  ku hadalka iyo dirista fariimaha gaagaaban. Adeeggan ayaa macmiilka u sahalaya inuu bishan oo dhan ku haddlo lacag dhan $7. toddoba dollar oo keliya.

Maamulaha Suuq-geynta ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegga KAAFIYE. Adeegan oo qofku kaga shuban karo adeegga ZAAD, isagoo isticmaalaya qaybta dollar-ka, *808# ka dibna dooranaya KAAFIYE, halka uu shilling-kana kaga shuban karo *202#.

 

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyaradda guur-doonka ah. Abaal-marinta oo lagu magacaabay AROOS WACAN.

Agaasimaha Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax oo sharaxaya abaal-marinta ayaa yidhi, “Barnaamijka AROOS WACAN waa barnaamij loogu talo-galay in lagu taageero dhalinyaradda aan wali guursan ee u baahan inay qoys dhisaan. Barnaamijkani wuxuu bartilmaameedsan doonaa lixda bilood ee ka hadhay sannadka, in la dhiso 30 qoys ama 60 lamaane oo laga bixiyo kharashka arooska oo uu ugu muhiimsan yahay in loo iibiyo agabka guriga oo dhan, in laga bixiyo kiradda guriga oo lixda bilood ah iyo waliba in loogu daro masaariif lixda bilood ah”.

Haddaba barnaamijkan Abaal-marinta AROOS WACAN oo ah mid aannay wax shuruud ah ku xidhnayn, waxaa lagaga qayb-gali karaa habka fariimaha gaagaaban, waxaanu qofku fariin ah “AROOS” u dirayaa lambarka gaaban ee  “111” fariintuna waa mid bilaash ah.

Adeegyada Shirkadda Telesom soo bandhigtay maanta oo si weyn markiiba ay Bulshadu ugu riyaaqday, isla markaana si weyn usoo jiitay shucuurta Bulshada Somaliland, ayaa markii ay maqleen inta badan dadka isticmaala baraha Bulshaddu waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin tallaabooyinka adeegyadda cusub ee shirkaddu, iyadoo Shirkaddu doonaysa in ay raali-geliso mar walba macaamiisha iyo bulshada ay u addeegto.

Latest CSR

Carwada Shaqada - 2022
Shirkadda Telesom oo ku deeqday Lix boqon oo kun oo dollar qaadhaankii suuqa waaheen
Guddoomiye A/lkariim oo bulshada Somaliland ka tacsiyadeeyay dabkii suuqaa waaheen
Telesom iyo taakulaynta abaaraha
Telesom oo ka qaybgashay Shir Caalami ah oo ka dhacay Barcelona
Heshiiska xidhiidhka wadahadalka ee Telesom iyo Somtel
Heshiiska asaaska shirkadda maamulka wadaaga Fiber-Optica ee shirkaddaha isgaadhsiinta somaliland
Heshiiska Fiber Optica Somaliland
Xafladda Abaalmarinada Horyaalka Horyaalada Somaliland 2021
  • Telesom
  • Contact Us
  • Careers
  • Data Protection
  • Terms of Use
  • FAQ
  • About
Copyright © 2022 Telesom. All Right Reserved