Telesom
  • Home
  • Buy Now
    • Buy ADSL service
    • Buy MYSMS service
    • Buy Vehicle Tracking service
    • Landline Installation
    • New Simcard
  • Support form
  • About
  • Service
  • Portfolio
  • CSR
  • Promotion
  • Career
  • Contact
  • Login
  • EN
    • English
    • Somali
Log In
Register an account

Heshiiska Fiber Optica Somaliland

Post by Admin, Feb 8, 2022.

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay February 08, 2022 guul ku soo dhammaaday heshiis dhexmaray shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiskan ayaa nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ay wada yeelan doonaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo dawlada Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu JSL.
 
Hirgalinta heshiiskan oo dhawrkii sanno ee u danbeeyey Wasaaraddu gacanta ku haysay ayaa waxa kaalin laxaad leh ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aaminsan furfurnaanta suuqa Isgaadhsiinta si loo xaqiijiyo horumarinta suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.
Haddaba, heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa faa’iidooyinka ugu waaweyn ee heshiiskan waxa ka mid ah:
 
1. Midaynta maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet-ka ee Fiber-ka.
2. Kor-u-qaadida iyo tayaynta adeegyada internet xawaare sare leh oo qayb ka noqda horumarka dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo fududaynta helidda adeegyada dawladda.
3. In si habsami leh maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka loo qorsheeyo loona mideeyo.
4. In maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ku uu fududeeyo helidda internet xawaarihiisu sarreeyo.
5. Heshiiskani waxa uu Somaliland u saamaxayaa in ay yeelato shirad kaalin weyn ka ciyaarta tartanka suuqa maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka ee gobolka.
 

Latest CSR

Shirkadda Telesom oo ku deeqday Lix boqon oo kun oo dollar qaadhaankii suuqa waaheen
Guddoomiye A/lkariim oo bulshada Somaliland ka tacsiyadeeyay dabkii suuqaa waaheen
Telesom iyo taakulaynta abaaraha
Telesom oo ka qaybgashay Shir Caalami ah oo ka dhacay Barcelona
Heshiiska xidhiidhka wadahadalka ee Telesom iyo Somtel
Heshiiska asaaska shirkadda maamulka wadaaga Fiber-Optica ee shirkaddaha isgaadhsiinta somaliland
Heshiiska Fiber Optica Somaliland
Xafladda Abaalmarinada Horyaalka Horyaalada Somaliland 2021
Duqa Caasimadda Hargeisa oo raali gelin siiyay Telesom
  • Telesom
  • Contact Us
  • Careers
  • Data Protection
  • Terms of Use
  • FAQ
  • About
Copyright © 2022 Telesom. All Right Reserved