Telesom oo ka qaybgashay Shir Caalami ah oo ka dhacay Barcelona
Post by
Admin,
Mar 6, 2022.
Waxa noo farxad ah in nalagu martiqaado shir caalami ah oo lagu qabtay magaada Barcelona, . ee dalka Spain. Shirkanni waxa uu ka mid yahay shirarka ugu caansan uguna sarreeya kulanada lagu falanqeeyo Tiknoolajiya iyo horumarka. Sannad kasta waxa shirka lagu soo bandhigaa farsamooyinka iyo hal-abuurada casriga ah ee ugu danbeeyay dhinaca tiknoolajiga.
Telesom oo ka mid ah shirkadaha ugu facaweyn dhinaca hal-abuurka tiknoolajiyadda ee Afrika ayaa sannadkan ku soo bandhigtay adeeg soo jiitay maanka dhammaan khubaradii iyo martidii ka soo qaybgashay, adeeggaas waxa loo yaqaan barnaamijka 'Aqoonsiga Codka ama VoiceID'. Mas'uuliyiinta shirkan ku metelayay Telesom oo kala ahaa Eng. Maxamuud Cabdiraxmaan iyo Eng. Cali Cumar Bosir waxa ay ka qaybgaleen Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayay VoiceID iyo doorkii adeegyada Telesom ka ciyaareen xilligii safmareenka COVID19.