Carwada Shaqada ee 2022
Carwadan ayaa waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland. Carwadan ayaa ka qabsoontay magaaladda Burco iyadoo socotay muddo laba cisho ah.
Telesom Group ayaa si baaxad leh uga qayb qaadatay carwaddan iyadoo kaga dhawaaqday inay qaadanayaan 15 shaqaale oo rasmiya iyo 30 shaqaale oo loo samaynayo carbis shaqo, sidoo kale waxay xuseen inay sannad kasta maalgeliyaan 5 qof oo keena fikir ganacsi (innovation).