Ha’yadda Innovate Ventures oo Maal-galin Lacageed Guddoonsiisay Dhalinyarro Hal-abuur ganacsiga la Yimidi iyo Shirkadda Telesom oo Door Laxaadle Ka Qaadatay
Hargeysa – [ ] – Hay’adda Innovate Venture ayaa maal-galin lacageed oo dhan $30,000 guddoonsiisay dhalinyaro la yimid hal-abuur ganacsi, waxaana barnaamijkan iska kaashaday shirkadda Telesom, Hay’adda Oxform iyo hay’addo kale oo caalami ah.
Hay’adda Innovate Ventures ayaa soo agaasintay xaflad balaadhan oo ay si weyn uga soo qayb-galineen marti-sharaf kala duwan oo iskugu jiray masuuliyiin ka socday shirkadda waaweyn ee dalka, saraakiil hay’adda caalamiga ah iyo dhalinyaro leh ganacsiyo kala duwan. Xafladan ayaa ka dhacday huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa maalinimadii Axadda ee 29 October 2017.
Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay madaxa barnaamijka hal-abuurka ganacsiga ee hay’adda Innovate Ventures Muddane Cabdalle Maxamed Axmed, waxaanu sharaxaad ka bixiyey barnaamijkan ay hay’addiisu bilowday marxaladihii uu soo maray iyo waxa uu dhalinyaradda ku soo kordhiyey barnaamijkani. Muddane Cabdalle ayaa sheegay in muddadii uu barnaamijkani socday in ay dhalinyaro badan ka caawiyeen in ay ka dhisaan dhinacyo badan oo ganacisooda ka dhiga mid guulaysantay. Cabaddale ayaa tusaale u soo qaatay Xawaaladda WorlRemitt in ay ka mid ahayd fikraddii ganacsi ee ka soo dhex baxay barnaamijka Innovate Ventures ee guulaystay oo ay noqotay shirkad caalami ah.
Cabdiwahaab Maax, Agaasimaha horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda Telesom ayaa ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom ay ku lahayd mashruucan hal-abuurka ganacsiga dhalinyaradda waxaanu yidhi, “ Telesom ahaan, mashruucan bilowgiisii ilaa maanta waxaanu nahay maal-galiyaha ugu weyn ee maxaliga ah ee maal-galiya hay’adda Innovate Ventures, waanan maal-galin doonaa annagoo ujjeedada ugu weyn ee aanu u maal-galinaynaa ay tahay in dhalinyaradeenu ay yeeshaan hal-abuur iyo inay wa la soo baxaan. Waxaa naga go’an in aanu maal-galino dhalinyaradda caqligooda iyo aqoontooda, waxaanu balan-qaadaynaa in aanu maal-galino cidkasta oo arintaasi ku hawlan”.
Agaasimaha hay’adda Innovate Venture Dr. Cabdiqani Diiriye ayaa ka hadlay barnaamijkan ay hay’addiisu dalka ka hirgalisey iyo sida uu hal-abuurka ganacsiga eedhalinyaradda uu barnaamijkani uu saamayn ugu yeeshay inay guulo ka gaadhaan hal-abuuryadda ganacsi ee dhalinyaradda. Dr. Cabdiqani ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyadda adeegyadda ah ee ay siiyaan dhalinyaradda ka qayb-galay barnaamajikan Innovate Venture, waxaanu sheegay in sanadkan ay soo dalbadeen 520 halbuur ganacsi, lagana soo xulay 20 shirkaddood oo kaliya kuwaasi oo tababar iyo dhisid lagu wadday muddo bilow ah, maanta afarta shirkadood ee ku guulaysta la siin doono abaal-marin maal-galineed oo lacag ah.
Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb-galay kulankan ayaa isbarbar dhig ku sameeyey fursaddii dhalinyaradda horyaalay 1992-kii iyo kuwa hadda jiraa, waxaanu dhalinyaradda ku dhiiri-galiyey inay la yimaadaan markasta hal-abuur ganacsi. Aqoonyahan Cabdikariim A.Mooge ayaa sheegay in dhalinyaradda maanta ay ka fursad badan yihiin dhalinyaraddi dalka ee sagaashamaadkii, waxaanu dhalinyaradda ku booriyey inay ku dadaalaan inay abuuraan fursaddo hal-abuuryo ganacsi.
Faraan Xaaji Cali Mulkiilaha Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay xafladan ayaa sheegay inay fiican tahay in dhalinyaradda lagu dhiiri-galiyo hal-abuurka ganacsi waxaanu dawladda u soo jeediyey in la sameeyo sharci lagu ilaalinaayo hal-abuurka ganacsi ee dalka. “Dhalinyaradda waxaan u arkaa inay tani [maal-galintani) tahay tii ay kaga xoroobayeen oo ay wasto raadsadaan markay shaqo doonayaa ama qabiil lagu siinayey. Fursad ayey bixinaysaa Innovate. Ganacsataddana waxaan u arkaa inay u tahay fursad ay ku xulan karaan dad currin leh oo waxa ay doonayaan kala soo baxaan.
Maxamed Maxamud Cawaale Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka hadlay kaalinta ay wasaaradda ganacsiga Somaliland ku leedahay ganacsiga, Agaasimaha ayaa ka jawaabayey sharciyadda looga baahan yahay hal-abuuryadda ganacsiga, waxaanu ayaa yidhi, “Sidaa la sheegay waxaa aad loo tabayaa siyaasaddihii dhaqaalaha, waxaan anigu halkan u joogaa in aan idinla wadaago wixii khuseeya labada siyaasadood ee ah: Siyaasadda Maal-gashiga oo imika qabyo-qoraalkii koowaad ah iyo siyaasadda horumarinta ganacsiyadda yaryar iyo kuwa dhexe oo labadduba ogolaanaya jawi noocan ah [maal-galinta hal-abuurka ganacsiga yaryar] iyo mid ka sii fiican inuu sameeyo”.
Hay’adda innovate ayaa guddi ka mid ah masuuliyiintii ka soo qayb-galay munaasibadda u magacowday guddida xulista guulaystayaasha barnaamijkan hal-abuurka ganacsiga, waxaana halkaasi abaal-marin lagu gudoonsiiyey 4 shirkaddood ee kaalmaha u horeeya ka galay barnaamijkan, waxaana la guddoonsiiyey lacag dhan $20,000 dollar.
Hay’adda Innovate ayaa sidoo kale $10,000 guddoonsiisay shirkadda lagu magacaabo MURAADSO oo sanadkii hore ku guulaysatay kaalinta koowaad.